BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 02.09.2002 - 14:07 Wakhtiga London
Wafdi QM ka socda oo Garbahareey lagu weeraray

Xasan Barise - Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalo madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarrey ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu rasaaseeyey diyaarad ay lahayd Qaramada Midoobay uu ay la socdeen wafdi sare oo ka tirsan shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya.

Diyaaraddan waxaa la rasaaseeyey goor ay cagaha ka sii qaadeysay gegada dayuuradaha ee magaalada Garbahaarrey abbaaarihii 10:30-kii subaxnimo kaddib markii wafdi ay sidday uu dhammaystay shaqadii uu halkaasi u tegay.

 Sida ay sheegayaan goobjoogeyaal aan kula xiriiray dhinaca isgaarsiinta, waxaa diyaaraddaasi la socday madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya ahna xiriiriyaha deeqaha Soomaaliya, Mr Maxwell Gaylard iyo Agaasimaha Cusub ee Xafiiska Soomaaliya ee hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP oo isagu markii ugu horreysay booqanayey Soomaaliya iyo xubno kale.

 Sida ay sheegayaan warar madax bannaan dabley aanan haybtooda la garan oo Soomaaliyeed ayaa rasaas ku billowday diyaaraddaasi markii ay aad ugu dhoweyn in ay cagaha dhulka ka qaaddo waxaana diyaaradda gaaray dhaawac ay laakiin weli ka sii socon kartay. 

Diyaaraddu waxay soo gaartay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniille ee Muqdisho, halkaasoo uu wafdigu ka sii qaatay dayuurad kale oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya geynaysay.

Wafdigan sare ee ka socday Qaramada Midoobay waxay gaareen degmada Garbahaarrey maalintii shalay iyagoo u kuurgalayey raashin deeq ah oo ballaaran oo ay bixisay hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP qeybintiisana ay wadeen qaar ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee hay’addaasi oo laga kala keenay gobollo badan iyo weliba dadweynaha deegaanka iyo duqeyda.

Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay gobollada Soomaaliya ee ay abaaruhu sida xun u saameeyen, taasoo weliba ay u wehlisay dagaallo badan oo gobolka ku dhex marayey qeybaha gobolka ee xagga siyaasadda iyo gacan ku haynta maamulka gobolka isku maan-diidsanaa.

Cabsi iyo jahawareer ka dhashay rasaaseynta diyaaradda Qaramada Midoobay ee maanta ka dhacday Garbahaarrey ayaa keentay in gebi ahaan go’aan laga gaaro shaqaalaha gargaarka ee gobolka joogay iyadoo Mr Roger Carter oo ah sarkaalka xagga ammaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo nafsad ahaantiisa joogay Garbahaarreey uu wada tashi kaddib ka raray dhammaan shaqaalihii gargaarka oo tobaneeyo ka badnaa magaaladaasi waxaana la geeyey durbaba degmada Buur Dhuubo halkaasoo la sheegayo in dabadeed loo sii dahafin doono magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Lama yaqaanno sababta keentay in wafdigani la xabbadeeyo iyo ujeeddada ay dableydaasi ka lahaayeen weerarka, hase yeeshee waxaa la tuhmayaa in uu jiray khilaaf   ku saabsanaa habsami u socodsiinta qeybinta raashinkaasi deeqda ah ee gobolka iyo cidda ka qeybqaadanaysa, waxayna Qaramada Midoobay durbaba billowday baa la leeyahay baaritaan ku saabsan wxii dhacay iyo sababta ka dambeysa.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan maanta loo geystay diyaaraddaasi Qaramada Midoobay wuxuu noqonayaa dhirbaaxo ku dhacday barnaamijkaasi deeqda lagu gaarsiinayey dadweynaha reer gobolka Gedo, iyadoo guud ahaanna ay weli xaaladda bani’aadannimo ee gobolku liidato xilli ay hadda uun dadweynaha gobolku ka soo kabanayaan dagaalladii u dhexeeyey qeybaha gobolka.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.