|
|
 |
 Jimce, 30.08.2002 - 11:37 Wakhtiga London
 |
Q.M. oo cambaaraysay afduubka Soomaaliya 
Malitia Soomaali ah |
Qaramada Midoobay, ayaa cambaaraysay afduubka mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana ay dalbatay deg deg loogu sii daayo si shuruud la'aan ah.
Maxamed Faarax Cumar, oo u shaqaynayay hay'adda cuntada u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO, ayaa rag hubaysan ay maalintii tallaadadii ku afduubeen caasimadda Muqdisho.
Waa qofkii afaraad oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay oo Soomaaliya lagu afduubo sanadkan gudihiisa.
Qaramada Midoobay, waxay shaqaalaheeda caalamiga ah kala baxday Somalia sababo la xiriira ammaan xumo inkastoo shaqaalaha Soomaalida ah ay wali ka shaqeeyaan gudaha Soomaaliya.
Mas'uul ka tirsan Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha, ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, isagoo darsaya wax uu ugu yeeray xaaladda sii xumaanaysa ee dhinaca amniga iyo xiisadaha ku sii kordhaya qaybo ka mid ah Soomaaliya.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|