BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 21.08.2002 - 17:51 Wakhtiga London
Massago-Waay oo xasilloon

Hassan Barise - BBC Muqdisho

Sababta uu dagaalkan isu taagay maanta ayaanan si rasmi ah loo sheegin, hase yeeshee dagaallada deegaanka Masaggo-Waay ka socday ilaa Khamiistii inaga tagtay ayaa maalinna qarxayey maalinta ku xigtana iskiis isu taagayey, iyadoo ay duqey badan oo nabaddoonno ahna intaas ku dadaalayeen xakamaynta colaadda sokeeye.

Maanta haddaba, warar madax bannaan ayaa sheegaya in ay halkaasi gaareen duqey dhaqameedyada ugu waaweyn beeshaasi oo ay ka mid yihiin Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Xasan Ugaas Cabdulle, Macallin Haaruun, Macallin Fanax iyo duqey kale kuwaasoo ay wararku sheegayaan in ay ku guuleysteen joojinta xabbaddii, iyagoo isla markaana weli hadda ku guda jira wada hadallo xoog leh oo colaaddaasi lagu daminayo.

Labada dhinac ee halkaasi ku dagaashay ayaa la xaqiijiyey in aanay isku haysan deegaan, daaqsin ama siyaasad, balse uu dagaalka oo dhanba ku saleysan yahay dhallinyaro ay sheeko ka xumaatay oo dabeedna nin la dilay kala aargoosasho ka dhalatay ay faraha ka baxday ilaa dagaal saf-ka-saf ah oo faraha looga gubto la isla galay.

Ilaa iyo hadda inta ogsoon yahay waxaa dagaalkaasi ku dhimatay 38 ruux oo maleeshiyooyinkii dagaallamaysay u badan iyadoo kontomeeyo kale ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, waxa ay khasaare ba'an soo gaartay tuulada Masaggo-Waay, taasoo ay gebi ahaanba dadkii shacabkii ahaa ka barakaceen.



Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.