BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 20.08.2002 - 13:00 Wakhtiga London
Dagaal qaraar oo ka dhacay gobolka Galgaduud


Hasan Barise - BBC Muqdisho

Waxaa maanta dagaal qaraar uu ka dhacay degaanka tuulada Masaggo-Waay ee degmada Ceel Dheer ee gobolka Galguduud.

Dagaalkan oo u dhexeeya labo jilib oo isku beel ah ayaa waxaa la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida uu wariyaha BBC-da Xasan Barise ku soo warramayo,

Dagaalkan tuulada Masaggo-Waay oo dhinaca Galbeed ilaa 30km u jirta degmada Ceel Dheer ee gobolka Galguduud ayaa billowday maalintii Khamiistii ina dhaaftay isagoo kolba ilaa maalintaasi maalinna istaagayey maalinna kululaanayey.

Dagaalkan oo maanta ah maalintiisii uu ugu darnaa ayey warrarka lagu helayo dhinaca isgaarsiinta ee fooneeyaha loo yaqaanno sheegayaan in ay ka qeyb qaadanayaan baabuurta dagaalka oo aan ka yareyn labaataan baabuur oo ay ku rakiban yihiin noocyada kala duwan ee qoryaha waaweyn iyo boqollaal maleeshiyoooyin aad u hubaysan ah oo ka tirsan labada dhinac.

Waxaa aad u adag in la helo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan.

Hase yeeshee, waxay warrarka madaxa bannaan xaqiijinayaan in maalintii khamiistii ay dhinteen afar qof, Axaddii dorraad ahaydna 14 kale, halka maanta oo uu dagaalkuna ugu xumaa ay dhimashadu kor u dhaaftay 20 nin.

Dhawaaca ka dhashay dagaalkan ayaa isagana kor u dhaafaya kontomeeyo kale ilaa Khamiistii uu dagaalku billowday.

Dhaawacyada labada dhinac ayaa qaarna la geynayaa tuulada Ceel Bacaad oo ilaa 60km dhinaca koofureed ka xigta tuulada Masaggo-Waay, halka dhinaca kalena la geynayo degmada Ceel Dheer.

Sagaal qof oo dhaawac ah oo maanta la geeyey tuulada Ceel Bacaad ayaa waxaa ka geeriyootay labo ka mid ah, waxaana dhaawacaasi durbaba loo dhaafiyey dhinaca degmada Jowhar si loogu helo daweyn, halka dhinaca kalena ay daweyn ka helayaan degmada Ceel Dheer oo uu isbitaal ku yaallo.

Dadka dhimanaya iyo kuwa dhaawacmay intaba waxay u badan yihiin maleeshiyooyinkii dagaallamaysay ee labada dhinac, iyadoo tuulada Masaggo-Waay nafsad ahaanteedana uu soo gaaray khasaare ba'an isla markaana uu ka dhacay barackac ballaaran.

Tuulada Masaggo-Waay waxay magaalada Muqdisho u jirtaa 310km dhinaca woqooyi.

Si dhab ah looma sheegin sababta uu dagaalkan u socdo iyadoo labada dhinac aysan isku haysan deegaan, daaqsin iyo xag siyaasad midna, laakiin wararka qaar ayaa tibaaxaya in uu dagaalku ka dhashay dhallinyaro ay sheeko ka xumaatay oo dabadeed nin la dilay kaddib aargoosi la kordhiyey uu haatan marayo in ay labada dhinac dagaal aad u qaraar isaga horyimaadaan.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.