| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 17.08.2002 - 16:54 Wakhtiga London
Waxaa maanta shir ballaaran isugu yimid labada gole ee dowladda, Baarlamaanka iyo golaha wasiirrada iyadoo uu madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, isugu yeeray kulankaasi wax uu u arkay in lagu jiro xaalad adag oo wada tashadad xooge u baahan. Kulankaasi waxa uu madaxweynuhu ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa sida uu inoogu soo warramayo weriyeheenna Muqdisho, Xasan Barise, oo qeybgalay kulankaasi. Kulankan oo ka dhacay xarunta KMG ah ee shirarka ee golaha baarlamaanka oo ah dugsigii hore ee booliska ayaa waxa uu madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan kaga hadlay arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada ee guud ahaan dalka. Cabdiqaasim waxa uu xusay in tobankii sano ee uu dalku ku sugnaa burburka ay ka dhasheen in dalkii Soomaaliya ee mideysnaa maamul ahaan uu u qeybsamo gobollo kala gogo'an oo sida uu hadalka u dhigay ay qaarkood maamulaan qabqableyaal dagaal hurinta ku nool. Cabdiqaasim waxa uu tilmaamay sida uu uga xunyahay in ay beesha caalamku ka seexatay taageeridda shacabka Soomaaliyeed kaddib markii la soo dhisay dowladda KMG ah, wuxuuna xusay in dadaalka dowladdiisu ay u gashay sugidda nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta ay caqabad ku noqotay faragelin shisheeye oo joogto ah oo hub, saanad iyo weliba ciidan lagu taageeray waxa uu ugu yeeray kooxaha dagaalka ooga, faragelintaasina ay beesha caalamku iska indho tirtay waxna ka qaban weyday. Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa kaloo uu aad uga hadlay arrimaha dhaqaalaha, isagoo wax badanna ka soo xigtay warbixin sannadeedkii ugu dambeeyey ee Qaramada Midoobay ee xagga horumarka bani'aadamka, wuxuuna sheegay in dhimashada carruurta ay da'doodu ka yar tahay shanta sano ay gaartay 224 canug kunkii carruur ahba, iyadoo tirada hooyooyinka umul raacdana ay tahay 1600 oo hooyo boqolkii kun ee dumar ahba, halka carruurta tallaalka heshana ay wax yar uun ka badan tahay 10%, waxaana 1000kii qof ee Soomaali ahba ku soo aada wax hal dhakhtar ka yar. Cabdiqaasim waxa uu aad ugu dheeraaday xagga dhaqaalaha isagoo ha hadlay joojintii ku timid ganacsigii ballaarnaa ee dhoofinta xoolaha Soomaalida iyadoo cudurro loogu marmarsiyoonayo inkastoo ay ha'adaha Qaramada Midoobay haddana caddeeyeen in aanay xoolaha Soomaalidu qabin wax xanuunno ah. Waxa kaloo uu Cabdiqaasim sheegay in dowladda Mareykanka ay iyaduna arrintii uga sii dartay. Xagga siyaasadda gudaha Cabdiqaasim waxa uu sheegay in ay dowladdiisu xiriirro is-daba joog ah la yeelatay madaxda gobollada woqooyi ee Somaliland, kuwa woqooyi Bari ee Puntland, Bay iyo Bakool iyo kuwa Muqdisho intaba, waxaana ugu dambeeyey xiriirradaasi booqasho ay labo goor siyaasiyiin iyo madax dhaqameedyo Soomaaliyeed oo iskood isu xilqaamay ku tageen magaalada Hagreysa taasoo uu Cabdiqaasimna khudbaddiisii maanta ku soo qaaday isagoo ka hadlay warbixin uu wafdigaasi ka dhagaystay. Ugu dambeyntii shirkani oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa maanta ka hadashay siddeed masuul iyadoo 49 xubnood oo kalena ay dooddooda dhiiban doonaan labada maalmood ee soo socota iyadoo uu madaxweynuhuna u jawaabayo masuul kasta oo fikir ama talo soo jeediya. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |