|
|
 |
 Sabti, 17.08.2002 - 16:57 Wakhtiga London
 |
Shaatigaduud oo magacaabey qaar ka mid ah maamulkiisa 
Mohamed Nuur Shaatigaduud |
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagaga dhawaaqay qaar ka mid ah maamulka cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Colonel Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud.
Bayaan madaxweyne oo maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Colonel Shaarguduud ayaa lagu sheegay in maamulka cusub ee dowlad goboleedkaasi uu ka koobnaan doono madaxweyne, labo madaxweyne ku xigeen, 19 wasiir iyo ku xigeennadooda, waxaana isla maantaba bayaankaasi madaxweyne lagu magacaabay saddex masuul.
Bayaankaasi madaxweyne oo nuqul loo soo direy xafiiska BBC-da ayaa Cabdullaahi Skeekh Ismaaciil loogu magacaabay Madaxweyne Ku Xigeenka Labaad, halka Abukaato Axmed Ibraahim Maxamed isagana loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, iyadoo Dr Maxamed Xuseen Diiriye (Timir) isagana loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka.
Bayaankan oo uu ku saxiixan yahay madaxweynaha dowlad goboleedkaasi, Colonel Shaarguduud ayaa looga codsaday beelaha ku dhaqan inta maamulkaasi hoos timaada in ay gacan buuxda ka geystaan sidii ay masuuliyiintaasi u gudan lahaayeen waajibaadka loo xilsaaray.
Bayaankan laguma sheegin goorta inta ka harsan xubnaha maamulkan cusub iyagana la magacaabi doono.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|