|
|
 |
 Axad, 11.08.2002 - 17:07 Wakhtiga London
 |
Diyaarad loo direy markabka lagu afduubey Puntland 
qariidada Soomaaliya |
Ciidamada Badda ee Britain ayaa diyaarad helokubtar ah oo sahan ah ka direy Markabka dagaalka ee Cumberland, taas oo ay ka danbeeysey markii ay soo baxeen warar sheegaya in markab saliida qaada ee ka diiwaan gashan Britian lagu afduubey xeebta Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Ugu yaraan shan iyo toban nin oo hubeysan ayaa la sheegey in ay markabka xoog ku heystaan oo ay dalbanayaan in la siiyo madaxfurasho gaarsiisan ilaa iyo hal milyan oo Doolar.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya dhamaan shaqaalaha Markabka ee la heysto in ay u dhasheen dalka Yukareen. Kabtanka markabkana waxaa la sheegey in lagu hayo tuulada Bareeda ee gobolka Bari ee Soomaaliya.
Ururka Caalamia ah ee Badmareenada ayaa kula taliyaa maraakiibta in ay ka fogaadaan biyaha xeebaha Bari ee Soomaaliya, sababtoo ah waxaa ka howlgala halkaa rag burcad ah oo afduuba maraakiibta.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|