| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 10.08.2002 - 17:59 Wakhtiga London
Xassam Barise - BBC Mogadishu Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in makhribnimadan caawa la sii daayey nin shaqaalaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ka tirsanaa oo ay dabley Soomaaliyeed ku qafaasheen magaalada Muqdisho shan maalmood ka hor. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ninkaasi oo ka tirsanaa hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno FAO lana yiraahdo Professor Cabdulqaadir Maxamed Abiikar lagu wareejiyey gacanta masuulka xagga ammaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Maxamed Saalax Cumar Axmed iyo Guuleed Yuusuf Cali oo ka tirsan saraakiisha UNICEF xarunta UNDP-da ee Muqdisho. Saraalka ugu sarreeya xafiiska UNDP-da, Mr Maxwell Gaylard, ahna xiriiriyaha deeqaha Soomaaliya ayaa hore qoraal ugu soo kala diray masuuliyiinta kala ah Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ah madaxweynaha dowladda KMG ah, Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Filish, wakiilka Xuseen Maxamed Caydiid iyo Cismaan Xasan Cali Caato in mid kasta uu adeegsado saameyntiisa Muqdisho si loo xaqiijiyo soo sii deynta ninkaasi ka tirsanaa shaqaalaha gargaarka isagoo nabad qaba. Si kastaba ha ahaatee, sida uu weriyeheenna Xasan Barise sheegay Professor Cabdulqaadir Maxamed Abiikar waxaa gacanta Qaramada Midoobay dib ugu soo wareejiyey labo nin oo la kala yiraahdo Xuseen Guutaale iyo Geelle Axmed Ducaale oo wakiil ka kala ah Maxamed Qanyare Afrax iyo xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf sida ay isugu xigaan, kuwaasoo ku guulaystay sii deynta ninkaasi. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in soo sii deynta ninkaasi ay ahayd mid aanan wax shuruud ah ku xirnayn iyadoo labadaasi masuul ee Maxamed Qanyare Afrax iyo Axmed Ducaalle Geelle ay ilaa beryihii la soo dhaafay ku jireen dadaal aan kala go'lahayn oo lagu xaqiijinayo soo deynta Cabdulqaadir Maxamed Abiikar isagoo faya qaba. Cabdulqaadir Maxamed Abiikar oo 56 jir ah waxa uu caawa la jooga shaqaalaha kale ee gargaarka ee Qaramada Midoobay u shaqeeya isagoo bed-qaba, waxana uu sheegay in intii la haystay si wanaagsan loola dhaqmay isla markaana la siin jiray cunno iyo biyo ku filan. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |