| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 24.07.2002 - 10:34 Wakhtiga London
Xasan Barise -Muqdisho Waxa uu maanta maalintii labaad dagaal xoog lehi ka socdaa magaalada Muqdisho degmadeeda Madiina, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyinka ay kala hoggaamiyaan labada hoggaamiye-kooxeed ee Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Finish. Dagaalkani waxa uu dib u billowday abbaarihii siddeeddii subaxnimo ee saaka kaddib markii xalay lagu kala hoyday iyadoo aanay cidina wax guul ah ka soo hoynin dhinaca kale. Sidii caadada ahaydna waxaa durbaba la isku billaabay adeegsida qoryaha waaweyn, kuwaasoo markiiba sababay in misana dib loo xiro suuqa weyn ee degmadaasi oo waxoogaa meelaha qaar dib loo furay subaxnimadii hore maaddaama aanan maalintii shalay lagaba adeegan halkaasi. Dagaalkan maanta oo ay ka muuqatay in ay aanay maleeshiyooyinka dagaallamaya qabin hamuuntii shalay ayaa kolba soo xoogeysanayey misana dib isugu beddalayey dagaal goos-goos ah ilaa duhurnimadii maanta. Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaanan ilaa iyo hadda weli si rasmi ah loo haynin, hase yeeshee wararka laga soo kala ururiyey goobaha caafimaadka iyo dadka goobjoogga ka ah goobaha uu dagaalku ka socdo ayaa xaqiijinaya dhimashada in ka badan 16 qof iyadoo dhaawacuna uu kor u dhaafayo 25 kale. Dr Cabdi Ibraahim Axmed oo loo yaqaanno Dr CIA oo ka hawlgala isbitaalka Medina ayaa xaqiijiyey dhimashada sagaal qof ilaa habeenkii xalay ahaa kuwaasoo ay ku jiraan labo qof oo dagaalkii shalay ku dhaawacantay oo qalliinka ku geeriyootay, iyadoo ilaa duhurnimadii maanta isbitaalka la geeyey 16 qof oo dhaawac cusub ah. Dr CIA waxa uu intaasi ku daray in dadka dhaawaca ah ee isbitaalka yaalla ay ku jiraan nin ay isbitaalka dhexdiisa xabbad habaw ah kula dhacday kaasoo soo booqanyey ehelladiisa qaar ka mid ah oo isbitaalka ku jira. Waxaa sidoo kale dhaawaca isbitaalka yaalla ka mid ah gabar yar oo labo sano jir ah oo reerkeedii ay iyada oo keliya ka soo hartay kaddib markii gurigoodii uu madfac ku dhacay oo aabbaheed, hooyadeed iyo walaalaheed oo dhammaa toddoba carruur ah ay gebigoodba ku dhinteen madfacaasi. Nin isaguna jooga deegaanka Mediina ee uu dagaalku ka socdo ayaa xaqiijiyey in uu arkay meydadka saddex maleeshiyo ah oo ka mid ah raggii dagaallamayey, iyadoo afar meyd ah oo kalena loo sheegay in ay yaalleen meel aan sidaasi uga fogeyn halkii la isku haystay. Ninkaasi oo aan doonaynin in magaciisa la xuso ayaa sidoo kale sheegay in uu arkay hal baabuur oo kuwa dagaalka ah oo la gubay. Ka sokow khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxa kaloo uu dagaalkani geystay barakac aad u ballaaran oo ku yimid dadweynihii caadiga ahaa. Kumannaan dadweyne ah ayaa saakadii horeba qax ka billaabay deegaannada ku dhow-dhow goobaha uu dagaalku ka socdo, waxaana qaxaasi si weyn u dhiirrigeliyey iyadoo aanay jirin cid isku dayday in ay kala joojiso raggaasi dagaallamaya. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee dagaallamaya ee Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Filish oo ku saabsan sababta uu dagaalkani u socdo, waxaase sarkaalka Cumar Filish u qaabilsan xagga ciidamada oo la yiraahdo, Axmed Daaci uu ku eedeeyey dhinaca Muuse Suudi in ay iyagu dagaalka soo qaadeen isla markaana ay iyagu weli wadaan. Dadaal aad u yar ayaa waxa uu ka muuqdaa guddoonka afartii beelood ee dalka Djibouti ku soo wada dhisay dowladda KMG ah, kuwaasoo maanta baaq ay soo saareen nabad ugu jeediyey kooxaha ku dagaallamaya degmada Madiina, kuwa iyaguna sidoo kale ku dagaallamaya gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan meelaha ay colaadaha ka jiraan ee dalka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |