| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 28.03.2002 - 11:42 Wakhtiga London
Axmed Kismayo - Boosaaso Lix qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacantay dagaal saaka ka dhacay magaalada Boosaaso oo dhexmaray ciidanka boliiska ee maamulka Jaamac Cali Jaamac iyo malleeshiyo kale oo iyana maamulka hoostimaadda. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ciidamada malleeshiyada ahi ay damceen inay qabsadaan Bankiga Dhexe ee magaalada Boosaaso taas oo dabadeedna ay ciidanka boliiska isku dhaceen. Malleeshiyadan ayaa waxa markii hore soo ururiyay maamulka si uu ugu isticmaalo sugidda ammaanka ee gobolka Bari waxaana la dejiyay meel magaalada ka baxsan. Dagaalkan oo socday muddo aan sidaa u badnayn ayaa dadka ku dhintay waxay ka tirsanaayeen labada dhinac ee iska horyimi marka laga reebo wiil 12-jir ah oo ay ku dhacday rasaas habow ah. Ciidamadan malleeshiyada ah ayaa la ii sheegay inay ku doodayaan mushaarooyin ka maqan halka warar kalana ay sheegayaan inaysan meesha ka marnayn arrimo siyaasadeed. Taliyaha ciidanka Boliiska Gaashaanle Sare Xirsi Siciid Saalax (gaataa) oo aan wax ka waydiyay sababta arrintan keentay ayaa ii sheegay in arrintu ka xeeldheer tahay mushaar ka maqan ciidankan lana hubo inay jiraan dhinacyo ka horjeeda maamulka oo dabada ka soo riixay ciidankan weerarka soo qaaday waxase uu ka gaabsaday inuu cid gaara farta ku fiiqo. Mar aan waydiyay Xirsi doodda la xiriirta mushaarka ka maqan ciidamadan waxa uu tilmaamay in hawsha musharrada haatan gacanta lagu hayay uuna socday tirakoobka rasmiga ah ee ciidankaa isla markaana uusan filayn weerarkan saaka dhacay haba yaraatee. Dagaalkan saaka dhacay ayaa saameeyay inta badan goobihii ganacsiga ee ku yiillay agagaarka halka uu ka dhacay iyadoo isbitalka wayn ee magaaladana ay ku buuqsanaayeen dad fara badan oo doonayay inay wax ka ogaadaan dadka dhintay ama dhaawacmay. Dagaalkan ka dib ayaa ciidanka boliiska ee maamulka Jaamac Cali Jaamac waxay gacanta ku dhigeen Xarunta Maamulka ee gobolka Bari oo horay ay u joogeen ciidamo ka horjeeda maamulka. Dhowr jeer oo hore ayaa ciidamo malleeshiyo ah oo ku doodayay mushaarooyin ka maqani waxa ay qabsadeen Bankiga waxase lagu xaliyay waan-waan nabadeed,dadka qaarkii ayaana u arka inay habboonayd in tan maanta dhacdayna sidaa oo kale lagu xalliyo iyadoo kuwo kalena ay la tahay inaan maalin walba lagu jiri Karin malleeshiyooyinka bankiga qabsanaya. Dhinaca kalana waxa aad u muuqanaya muranka isa soo taraya ee xagga mushaarooyinka ka taagan taas oo ay dhowaan maxkammadda sare ee DGPL soo saartay go’aan ay shaqada ku joojinayaan maxkamadaha oo dhan ka dib markii muddo lix bilood ah ayan wax mushaar ah qaadan garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee maxkamadaha inkastoo aad loo hadal hayo in arrinta manta dhacday ay ku ammaansan yihiin wajiyo kale oo siyaasadeed. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |