BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 30.01.2002 - 09:57 Wakhtiga London
Tyson oo loo diidey ogolaasho uu ku feertamo
Tyson waxaa uu guddiga u sheegey in ay xaaladu qalafsan tahey
Tyson waxaa uu guddiga u sheegey in ay xaaladu qalafsan tahey

Maxamed Maxamuud Cadde - London


Mike Tyson ayaa loo diidey arjigii waraaqdii u fasixi laheyd in uu cayaarta feerka ah ku cayaaro magaalada Nevada.

Go'aankani waxaa uu shaki weyn galiyey in Tyson uu kula feertamo suunka Adduunka Lenox Lewis, go'aankanna waxaa la soo saarey ka dib markii guddi ka kooban shan xubnood oo qaabilsan ciyaaraha ay ku kulmeen magaalada Las Vegas.

Afar ka mid ah shantaas xubnood ayaa u cobixiyey in Mike Tyson loo diido ogolaashaha.

Feerkaasi waxaa qorsheysneyd in uu ka dhaco bisha lixda April garoonka weyn ee Las Vegas.

Talaabadan gudiggu waxay dariiqa u furtey in la baadi goobo meel kale oo lagu qabto cayaartaa feerka ah, oo uu guddiga Feerka ee Adduunku sheegey in ay ogolaan doonaan in cayaartaa lagu qabto meel oo aan aheyn Nevada.

Tyson ayaa ka tagey goobta ay gudigaa ku kulmayeen dhowr daqiiqadood ka hor inta aan codka la qaadin. Waxuuna sheegey, in uusan fileyn in la siinayo waraaqda u ogolaaneysa in uu feertamo.

Hase yeeshee, buu yiri, Shelly Finkel oo la taliyihiisa ah ayaa ku qasabtey in uu yimaado kulanka.
Tyson waxaa uu sheegey in uu doonayo in si cadaalad ah loola dhaqmo. Waxaa kale oo uu sheegey in aysan shaqadiisa aheyn in feerka oo dhan laga mamnuuco waligii , laakiin buu yiri, waa in laga mamnuucaa cidii kale ee sameysey inta aan sameeyey.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.