| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 01.11.2001 - 17:40 Wakhtiga London
Xasan Bariise - Muqdisho Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Raiisal Wasaare Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta uu baarlamaanka ku meel gaarka ah kalsoonidii kala noqday. Waxay ahayd maalin ay si weyn dadka oo dhan uga wada sugayeen natiijada waxa ay noqonayso dooddan magaalada oo dhan saaqday. Saaka ayaa xubnihii baarlamaanku ay sidii caadada ahayd u dareereen hoolkoodii shirarka ee ku meel gaarka ah ee dugsigii hore ee booliska. Maanta waxay maalmihii la soo dhaafay kaga duwanayd iyadoo ammaanka aad loo adkeeyey oo aan loogu simin xaajada booliskii ilaalada ka haa waddooyinka soo gala dugsiga booliska. Waxay indhahaygu qabteen ciidan aad u hubaysan oo ah militari kuwaasoo hubkooda iyo gaadiidkooda ay u dheereyd iyagoo xitaa fuushanaa geedaha iyo buuraha dhinaca afisiyooni ka xiga iskoola bulisiyo, iyadoo welibana ay qaarkood koofiyadaha helmutka ah u sur-surnayeen geedo caleemahood oo ay ku qarinayeen bidhaantooda qofkii ka fog. Cid kasta wey dareentay in maanta aanay xaaladuu caadi ahayn, waxaana durbaba la guda galay dooddii intii ka harsanayd mudaneyashii fikirkooda ka dhiibanayey amuurta ridista Cali Khaliif iyo dowladdiisa. Maanta waxaa fadhiday 174 mudane hoolka shirka, taasoo u bannaysay guddoomiyaha baarlamaanka in uu ku dhawaaqi karo furista doodda kalsooni kala noqoshada xukuumadda. Durbaba waxaa dhammaatay dooddii shantii xubnood ee ugu dambaysay, iyadoo uu ahaa Mukhtaar Xaaji Xaamud ninkii ugu dambeeyey ee hadla kaasoo qabay in aan xukuumadda la ridin. Guddoomiyaha baarlamaanka Cabdalle Deerow Isaaq ayaa amray in cod loo qaado ridista xukuumadda. Waxaa in la rido farta u taagtay 141 xubnood. Dabadeed waxaa la dalbay in la tiriyo kuwa iyagana ka soo horjeeda ridista xukuumadda, waxayna noqdeen 29 xubnood iyadoo afar xubnoodna ay isgaba aamuseen xaajada. Cabdalle Deerow Isaaq ayaa dabadeed ku dhawaaqay in ay ansax tahay in maanta xukuumaddii lagala noqday kalsoonidii, taasoo ay mudaneyaal badan sacabka u garaaceen. Dad badan oo iyagana tubnaa dibadda hoolka shirarka ayaa u guuxay dhawaaqa Cabdalle Deerow. Si kasta ha ahaatee, waxaa haddana jiray qaar ka tirsan mudaneyaasha barlamaanka oo qabay in aanay xaaladdu si caadi ah u dhicin. Mudane Saalax Nuux Ismaaciil oo ka mid ahaa raggii ka soo horjeeday ridista xukuumadda ayaa ku tilmaamay sida ay wax u dheceen shirqool ay soo maleegeen madaxweynaha, Cabdalle Deerow iyo koox taabacsan sida uu hadalka u dhigay. Mudane Saalax waxa uu ku dooday in ridista Cali Khaliif loo adeegsaday waxa uu ugu yeeray awood lacageed iyo qabyaalad, haatanna uu ka walaacsan yahay sida wax kale ay ku dhismi karaan Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah wasiirrada dowladda Cali Khaliif oo ah ragga hadda shaqada waayaya ayaa ku tilmaamay dhacdadii maanta mid farxad lahayd oo si dimoqraaddina ahna u dhacday. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cali Maxamed Carraale ayaa shegay in ay tani tahay billow fiican oo dhiirrogelinaya mustaqbalka in masuuliyiinta lala xisaabtamo oo la rido ama la doorto hadba waxa uu qofku istaahilo. Shacabka caadiga ah ayaa sida masuuliyiinta oo kale iyaga xitaa ku kala qaybsan fikirka ridista xukuumadda. Hase yeshee Cabdalle Deerow Isaaq oo shacabka la hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddani sii hayn doonto xilka ilaa inta uu madaxweynuhu kaga dhawaaqayo Prime Minister-ka xiga, taas oo dabadeed qaadan karta ilaa 30 maalmood in mar kale dowlad dib loo soo agaasimo. Amuurtan xukuumdda kalsoonida lagala noqday xukuumadda waxay ku so beegantay maalin uun kaddib markii lagu dhawaaqay in shirar ay ka dhacayaan dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka Nairobi ayaa loogu kala dabqaadayaa masuuliyiinta xukuumadda iyo inta badan xubnaha sar-sare ee golaha SRRC, kuwaas oo dhammaantood xaqiijiyey ka qeybgalka shirkaasi marka laga reebo Muuse Suudi Yalaxow. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |