| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 11.10.2001 - 14:04 Wakhtiga London
Xasan Barise - Muqdisho Xubnaha baarlamaanka dowladda KMG ah ayaa shirkoodii saaka waxay yimaadeen iyagoo aanan is-qalbi ogayn. Qaar ka mid ah xubnaha waxay yimaadeen iyagoo la dhacsan hadalkii guddoomiyaha baarlamaanka ee shalay ee uu ku lahaa waa in ay dowladdu is-casishaa, halka qaar kalena ay yimaadeen iyagoo ka careysan hadalkaasi. Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdalle Deerow Isaaq, oo furay hadalka ayaa ku billaabay in ajendayaashii 14-ka ahaa ee uu baarlamaanku ka doodayey maanta laga billaabo qodobka sicir bararka iyo lacagaha. Hadalkani waxa uu kiciyey guux ay billaabeen qaar ka mid xubnaha baarlamaanka oo filayey in maanta uu hadalku ka billaaban lahaa motion lid ku ah dowladda oo ay soo bandhigeen qaar ka mid xubnaha baarlamaanka. Dood xukumadda liddi ku ah Afar iyo toban xubnood oo ay ku jiraan labo haweeen ah ayaa guddoomiyaha Cabdalle Deerow Isaaq u gudbiyay motion-kaasi oo ay ku codsanayeen in xukuumadda kalsoonida lagala noqdo. Xubnahan oo ay ka mid yihiin Faarax Xasan Maxamed, Xuseen Geeddi Jimcale, Hinda Cafaaf Weheliye iyo qaar kale waxay xukuummadda ku eedeeyeen in aysan dejin qorshe siyaasad dhaqaale iyo in lagu takri falay hantidii deeqda iyo deymaha ahayd ee soo gashay gacanta xukuumadda iyo in aysan wax muuqda ka qaban xallinta khilaafaadka jira iyo dib u heshiisiinta iyo weliba sicir bararka oo ay ku eedeeyeen in ay xukuumaddu ka masuul tahay. Cabdalle Deerow Isaaq oo dabadeed u soo noqday in uu qodobkan ka hadlo ayaa sheegay in iyadoo la raacayo xeer hoosaadka baarlamaanka lana eegayo qodobka 82-aad ee dastuurkii 60-kii laga doodi doono motion-kan muddo shan maalmood gudahood ah . Cabdalle Deerow wuxuu sheegay in wixii aan ku jirin sharciyada hadda la sameeyey iyo xeer hoosaadyada mar hore lagu heshiiyey in loola noqdo xeerkii 1960-kii. Mar kale, waxaa guux badan sameeyey koox xubnaha barlamaanka ka mid ah oo u arkayey in uu guddoomiyuhu si weyn u khaldamay maalintii shalay markii uu soo bandhigay in ay habboon tahay in xukuumadda kalsoonida lagala noqdo. Xubnahan oo ay ka mid yihiin Ismaaciil Adan Samaale ayaa ii sheegay in Cabdalle Deerow hadalkiisii shalay uu ahaa mid shakhsi ahaantiisa uun uu u hadlay, balse aanan ka tarjumaynin golaha baarlamaanka. Xubnahan oo aan iyaga xitaa tiro yareyn waxay sheegeen in ay habboon tahay in uu guddoomiyuhu sharciga ilaaliyo waa sida ay hadalka u dhigeene oo aanu hadalkiisii shalay ku taagnayd qaanuunka. Xubnahani waxay sheegeen in motion-ka noocaan oo kale ah la soo bandhigi karo oo keliya marka Guddiga Baarista Baarlamaaka ay u soo bandhigeen wixii ay xukuumadda kala soo kulmeen baaritaankoodii kaddib, markaasi dabadeedna laga naaqishi karo in ay xukuumaddu ku gardarrootay masiirkii iyo hantidii ummadda. Si kastaba ha ahaatee, ma fududa doodda ka dhalatay soo jeedintii Cabdalle Deerow Isaaq ee shalay, taasoo xitaa magaalada saameynteeda si weyn looga dareemay maanta, iyadoo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay ka mideysan yihiin sida ay ugu kala fogyihiin fikirka ah in dowladda la kala diro oo mid kale la soo dhiso. Taasoo aan iyada xitaa waaba haddii ay dhacdee aanan ka badbaadi kareyn dhibaatada hadda haystada xukuumaddan sannad jirsatay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |