| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 29.09.2001 - 14:09 Wakhtiga London
Maxamed Caddow - Nairobi Shaqaalaha caalamiga ah ee Qarramada midoobey ka jooga dalka Soomaaliya ayaa maanta shaqooyinkooda dib ugu laabtay lix maalmood ka dib markii halkaasi laga soo saaray Wakiilka Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomalia islamarkaana ah xiriiriyaha gargaarka Somalia Mr Randolf Kent, ayaa saakay ii sheegay in la xaliyay dhibaatadii hore looga soo qaaday shaqaalaha Somalia oo la xiriirsan caymiska diyaaradaha Qarammada midobey. Diyaaradaha qarammada midoobey ayaa saaka marki ugu horeeysay tan iyo intii ay dhibaatadu dhacday ka duulay Gegida Diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee Nairobi iyaga oo sida shaqaala tiradoodu dhantahay 45 qof. Aad ayaan ugu faraxsannahay ayuu yiri Mr Kent in dhibaatada waqti gaaban lagu xaliyay si shaqaalahayaga ay dib ugu laabtaan halka looga baahanyahay isaga oo intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan in ay caawiyaan kuwa dhibaataysan islamarkaana isu diyaariyaan in ay wax ka qabtaan abaarta iyo cuna yarida haatan ka jirta waddanka somalia. Mar aan weeydiiyay in uu ka jawaabo warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in qarammada midoobey ay Soomaaliya oga loo soo baxday shaqaalaheeda sababa la xiriira nabadgelyada ayuu Mr Kent ku jawaabay. Waxaa uu yiri Randolf Kent "Markaan niri waxaa na heshay dhibaata dhinaca caymiska diyaaradaha yaga ah, taas kiliya ayaa ahayd dhibaatada aan go’aankaasi u qaadnay. Waxaa dhici karta in dadka ay meelaha ay ka midka yihiin dukaamada, makhaayadaha, Xaafadaha iyo dekadaha isku su’aalayaan sababta dhabta ah ee ka dambeeysay go’aankan. Sabab kale ma jiri karta caymis la’aan ayaan ahayn, haatan oo aan helnayna shaqooyinkii ayaan dib ugu laabanay sida aan hore u sheegnay. Waxanan aad ugu qanacsannahay wada shaqeeynta iyo xiriirka wanaagsan ee naga dhaxeeya anaga iyo dadweenaha Somalia". Waxaa uu sheegay sargaalku in hay'adaha Qarammada Midoobey ay lixdii bilood ee ugu dambeeyay wadeen dadaal ay ku muujinayeen ku sugnaantooda Somalia islamarkaana ku badinayeen shaqaalaha halkaasi ka joogo". Waxaa uu sheegay in talaabooyinkaasi looga gol leeyayhay in lagu xoojiyo howlaha samafalka ee laga wada Somalia oo haatan ka mid ah waddamada ugu saboolsan caalamka. Diyaaradaha Qarammada midoobey ayaa u qaada Somalia ayaa bil walba ilaa 1,000 ka mid ah shaqaalaheeda iyo kuwa hay'adaha kale ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay shaqaalaha geeyaan ilaa 15 goobood oo ku yaala waddanka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |