BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Talaado, 25.09.2001 - 16:44 Wakhtiga London
Cabdiqaasim oo jawaab ka helay Mareykanka

Xasan Barise - Muqdisho

Wararka laga helayo xafiiska madaxtooyada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa muujinaya in madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan uu jawaab rasmi ah ka helay dowladda Mareykanka.

Waa jawaabta dhambaalkii tacsida ahaa ee ay dowladda KMG ahi ay u dirtay Mareykanka kaddib weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha ah ee ganacsiga adduunka iyo pentagon-ka ee magaalooyinka New York iyo Washington.

Warqad qoraal ah oo ay dowladda Mareykanku u soo dirtay madaxweynaha dowladda KMG ah ayey ku sheegtay in Mareykanku uu u riyaaqay tacsidaasi isla markaana ay muhiim tahay taagerada dowladda KMG ah si wax looga qabto falalkaasi xun-xun oo lagu tilmaamay kuwo aan siyaasad iyo wax kaleba lagu
banneysan karin.

Qoraalkaasi waxaa kale oo lagu sheegay in marxaladdan si adag oo go'aan qaadasho leh looga gudbi doono.

Iyadoo isbahaysi lala yeelanayo dowlado iyo ururro si loo cirib-tiro argagaxisada caalamiga ah,
waxaa welibana la xaqiijinayaa lana ciqaabayaa kuwii ka dambeeyey fafalalkaasi.

Warqaddaasi dowladda Mareykanka ee ku socotay dowladda KMG ah waxa lagu soo gebagabeeyey in si
wadajir ah looga gulaysan doono khatarta ka dhanka ah bani'aadamnimada.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.