| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 11.09.2001 - 19:22 Wakhtiga London
Xasan Bariise - Muqdisho Waxay ahayd abbaarihii siddeeddii subaxnimo markii uu gantaalkaasi qarxay kaddib markii uu nin ku garaacay burrus si uu ugala baxo maar iyo macdanka alluumiiniyumka ah ee ku dahaaran gantaallada noocaan oo kale ah. Gantaalkani waxa uu ka mid ahaa gantaallo dhowr iyo toban ah oo ah nooca loo adeegsado lidka dayuradaha ee lagu sameeyey dalkii hore loo oran jiray Midowga Soofiyeeto waana noocyada loo yaqaanno Sam-2 iyo Sam-3 oo dhulka ka kaca hawadana wax ka dila. Qaraxa gantaalkan oo maanta meelo badan oo Muqdisho ka tirsan si xoog leh looga maqlay waxaa ku dhimatay inta la ogyahay ilaa 14 qofood, kuwaasoo aan anigu arkay siddeed ka mid ah meydadkooda. Dadkan saaka ku le'day qaraxa gantaalkan waxaa ka mid ah ninkii burruska ku garaacayey gantaalka oo la yiraahdo Saciid Maalin Faarax, xaaskiisii iyo saddex carruur ah oo uu dhalay, waxaana reerkiisa ka badbaadday afar carruur ah oo xilliga qaraxu dhacayo ku maqnayd dugsi. Cismaan Saciid Yuusuf oo aan kula kulmay bartii uu qaraxa gantaalku ka dhacay ayaa ii sheegay in uu isaguna ku waayey halkaasi labo gabdhood oo uu dhalay oo ay midi shan jir ahayd midna labo jir iyadoo gurigiisii oo dhanna uu ku baaba'ay qaraxaasi, sidoo kale nin kale oo la yiraahdo Ciise Yuusuf Xaydar ayaa qaraxaasi ku waayey saddex carruur ah oo uu dhalay. Qaraxa gantalkan oo baabi'iyey dhul aan ka yareyn ilaa 200 oo mitiri oo isku wareeg ah ayaa burburiyey ilaa labaatameeyo guri oo qaarna uu dab qabsaday, qaarna jiingadihii ka duuleen qaar kalena ay ciidda ku darsoomeen. Qarxaasi waxaa kaloo uu burburiyey dugsi quraan oo laakiin ay carruurtu ku badbaadeen. Meesha uu qaraxa gantaalkan ka dhacay ayaa durbadiiba noqotay meel ay dadweynuhu aad ugu soo xoomeen iyadoo boqollaal dad ah ay u aadeen halkaasi qaarba si, qaar doonaya in ay dadkoodii meesha degganaa soo arkeen iyo qaar kale oo isaga soo daawasho tegay. Marka aad si fiican u eeg-eegto goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa kuu muuqanaya qaar ka mid ah haraagii gantaalka, dhulkii uu gooyey iyo guryihii ku baba'ay. Waxaa xilligaasi aan meesha tegay jiray haween iyo dhallinyaro weli jawaanno ku ururinayey hilbihii ka firdhaday dadkii uu dilay gantaalkaasi oo aan la aqoonin cidda ay ahaayeen iyo tiradooda sugan midna. Dadka uu dhaawacay gantaalkaasi ayaa sidoo kale aad u badnaa waxaana loola kala cararay cisbitallada, kuwaasoo qarkood la suuxay suntii qiiqa gantaalka iyo gariirkii xoogga badnaa ee uu sameeyey, qaarna uu firir xoog leh gaaray. Dadkii goobta qaraxa gantaalka joogay waa ay ku kala fikir duwanaayeen meesha uu gantaalkaasi aaday. Inta badan dadku waxay rumaysanyihiin in uu gantaalku cirka u duulay taasoo macneheedu yahay in ay dhici karto in uu misana khasaare kale meel kale ka gaysto, laakiin Cabdi Mahad oo ah wiil ilaa siddeed jir ah oo isagana meesha joogay ayaa ii sheegay in gantaalka aanu meelna aadin oo baalashii uu ku duuli lahaa mar hore laga gurtay oo weelal iyo baafaf laga samaystay, sidaasi darteedna uu gantaalku meesha uun ku qarxay. Si kastaba ha ahaatee, musiibada saaka meeshaasi ka dhacday waxaa sidoo kale ku soo baxay ciidanka booliska gobolka Banaadir oo uu horkcayey taliyahooda Cabdi Qeybdiid, ku-xigeenka duqa magaaladsa Ugaas Cali iyo madaxweynaha dowladda KMG ah Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo ay wehliyeen masuuliyiin fara badan. Wsiirka Howlaha Guud Enjineer Saciid Jiir oo aan isgana goobtaasi kula hadlay ayaa ii sheegay in ay haatan dowladdu u guntanayso wax ka qabashada dhibaatooyinka noocaan oo kale ah iyadoo dadweynaha laga fogeyn doono meelaha ay khatarta noocaan oo kale ah ka jirto. Goobtaasi uu maanta qaraxu ka dhacay weli agagaareheeda waxaa yaalla ilaa shan gantaal oo kale oo ay dhici karto in midba markiisa ay dadku qarxiyeen iyagoo nolol ka raadinaya. Isla xeradan waxaa ku dhimatay labo qofood mar afar sannadood hadda laga joogo mar uu sidoo kale gantaal ka qarxay, waxaa kaloo iyana jira xerooyinka degmada Dayniille oo qaarkood ay weli yaallaan gantaallada noocan oo kale ah oo iyagana hore dil iyo dhawacba u gaystay labo jeer mar ay dad iyagana nonolol ka raadinaya ku qarxeen. Xasan Barise, BBC, Muqdisho |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |