| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 10.09.2001 - 17:33 Wakhtiga London
Axmed Maxamed (Axmed-Kismaayo) Garowe Sii hayaha Madaxweynaha Puntland, Yusuf Xaaji Nuur, ayaa maanta gurigiisa lagu weeraray. Niman oo hubeysan ayaa maanta weeraray guriga Yusuf Xaaji Nuur. Dhowr saacadood markii la is rasaaseynayay ayaa dib loo caabbiyey nimankii weerarka geystay ka dibna way carareen. 3 ruux ayaa la og yahay in ay ka dhaawacmeen ilaalada Yusuf Xaaji. Waxaa goobtii ku soo baxay rag ciidanka ilaalinaya ammaanka shirka ka socda magaalada Garowe. Raggii weerarka geystay waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen rag shaqada laga fariisiyey, oo ka tirsanaan jiray isla ilaalada sii hayaha Madaxweynaha. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |