| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 23.08.2001 - 15:13 Wakhtiga London
Howlgal ay ciidamada dowladda la magac baxday Somaliland maanta ka qaadeen magaalada Hargeeysa ayaa waxaa lagu qabqabtay qaar ka mid ah madax dhaqameedyadii bishii hore ku shiray magaalada Burco oo shalayna shir kale ku lahaa Hargeysa. Howl galka ciidamada ayaa waxaa ka dhashay iskahorimaad ay dad badan ku dhaawacmeen, waxaana saaka aroornimadii laga maqlayay koonfurta Magaalada Hargeeysa rasaas socotay muddo ka yar hal saac. Weriyaha BBC-da ayaa sheegaya in salaaddiin kale ay isku xireen oo ilaa iyo haatan ku jiraan gurigii ay maalmahanba ku shirayeen ee Hargeysa. Weriyaha oo guirigaas soo booqday ayaa sheegaya in guriga ay ku hareersanaayeen koox dhalinyara ah oo hubeeysan. Guriga ayaa waxaa ku jiray gudahiisa sagaal madax dhaqameed . Boqor Maxamuud Cali Carab oo ay madax dhaqameedyada kale u wakiisheen in uu la hadla weriyayaasha ayaa sheegay in shan madax dhaqameed xalay guryahooda lagala baxay oo la xirxiray. Boqor Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada hubeeysan ay iyagu ka difaaceen in la qabqabta oo saaka ay laba jeer iska horyimaadeen dhalinyarada iyo ciidamada ammaanka Somaliland. Salaaddiinta la xirxiray ayaa waxaa ay kala yihiin Sulddaan maxamed Sulddaan Cabdiqaadir, Sulddaan Maxamed Sulddaan Xirsi Qani, Sulddaan maxamed Axmed Sheikh iyo Sulddaan Maxamed Xaddi. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |