| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 19.08.2001 - 17:06 Wakhtiga London
Xasan Barise, BBC, Muqdisho wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maalintii shalay uu dagaal ka dhacay degmada Bu'aale kaasoo u dhexeeyey maleeshiyooyin kala taageersan kuwa Dooxada Jubba oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo iyo golaha SRRC-da ee ay xaruntoodu tahay magaalada Baydhabo. Colonel Ducaale Ganaane oo ka tirsan saraakiisha Dooxada Jubba ayaa ii sheegay in ay ciidamadiisu gelinkii hore ee shalay gacanta ku dhigeen magaalada Bu'aale iydoo ay dhinaciisa kaga dhaawacmeen shan ka mid ah ciidamadiisa. Colonel Ducaale Ganaane oo khadka isgaarsiinta igula soo xiriiray isagoo jooga magaalada Kismaayo ayaa ku doodaya in ciidamadiisu ay ka xoog-roonaadeen kuwii ka soo horjeeday isla markaana ka dileen 30 askari kana qabsadeen saanad fara badan. Dhinaca golaha SRRC-da ayaan haba yaraatee waxba ka ogayn dagaalkaasi uu sheegay Colonel Ducaale Ganaane. Xasan Axmed Al-Turaabi Biikole oo ah Guddoomiyaha degmada Baydhabo ayaa ii sheegay in ay iyagu weli gacanta ku hayaan magaalada Bu'aale oo aanay wax dagaal ah halkaasi ka dhicin. Si kastaba ha ahaatee, isgaarsiinta magaalada Bu'aale ayaa maanta malintii labaad hawada ka maqan, iyadoo aananna la heli karin ilo madax bannaan oo kala xqiijiya sheegashooyinkaasi. Dhinaca magaalada Caabudwaaqna waxaa maanta looga dhawaaqay maamul ay yeelanayso degmadaasi markii ugu horreysey muddo haatan laga joogo 11 sano. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Cabdi Shire Warsame oo aan khadka isgaarsiinta kula xiriiray ayaa sheegay in maamulkan cusub uu ka kooban yahay 21 xubnood oo ay guurtida degmada iyo Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle wada ansaxiyeen, waxaana guddoomiye loo doortay Caaqil Warsame Jiifaa. Si kastaba ha ahaatee, nin isaguna isku sheegay in uu yahay xoghaynta golaha guurtida ee beel ka mid ah beelaha deegaankaasi oo la yiraahdo Jamaal Soobbe Cilmi ayaa maamulkaasi dood geliyey isagoo sheegay in uu yahay mid ay koox samaysatay. Maamulkan cusub oo maanta magaalada looga bannaanbaxay ayuu Jamaal Soobbe ku sheegay in uu yahay mid ay taageerto dowladd KMG ah, kuwaasoo aan iyaguna qarsan taageeradooda ay ku magacaabeen wax la qabashada rabitaanka dadweynaha. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |