BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Isniin, 13.08.2001 - 20:01 Wakhtiga London
Hargeysa: Dood Cigaal ka dhan ah
38 Mudane ayaa qaadacay doodda iyaga oo 37 kalena ay u codeeyeen
38 Mudane ayaa qaadacay doodda iyaga oo 37 kalena ay u codeeyeen

Axmed Saciid Cige - Hargeysa
Dood liddi ku ah Madaxweeynaha Dowladda la magac baxday Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal oo ku eedeeyneeysa khiyaana qaran iyo meel ka dhac tastuurka ah ayaa loogu codeeyay Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Doodda ku saabsan maamuus ka xayuubinta Madaxweeynaha Dowladda la magacbaxday Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa ahayd mid aan si caadi ahayd looga soo qeyb galay.

67 ka mid ah 82-ka mudane ee ka tirsan golaha Wakiilada somaliland ayaa ka soo qeyb galay fadhigaasi.

Dad aad u fara badan ayaa iyaguna ka dhageeysanayay dooddaasi banaanka.

Waxaa shir-guddoonka Cabdiqaadir Ismaaciil Jirdde uu soo hordhigay, Mudanayaasha hadal-qoraalka dooddaasi oo saddex toddobaad ka socotay golaha wakiilada kuna saabsaneeyd eedeeynta iyo maamul ka xayuubinta Madaxweeyne Cigaal.

Labada Afhayeen ee kooxaha Golaha wakiilada ee midkood diiddanyahay, kan kalena waafaqsanyahay ayaa isla oggolaaday in mooshanka loo qaada cod.

Hse yeeshee waxaa ay isku mari waayeen oo ay isku diideen in codka uu qarsoodi noqdo iyo in kale.

Waxaase mudanayaashu ay markii dambe isku raaceen in codka uu noqdo mid qarsoodi ah.

38 Mudane ayaa diiday in la gudbiyo eedaynta maamus ka xayuubinta Cigaal halka ay 37 mudane ay u codeeyaan in doodda loo gudbiyo Golaha Gurtidu oo Madaxweeyanaha eeddaasi lagu soo oogo.

Cod bixinta ka dib ayuu guddoomiya ku xigeenka Golaha wakiilada Cabdiqaaddir Ismaaciil Jirdde uu ku dhawaaqay in eedeeynta Madaxweeynaha ay halkaasi ku xirantay,

Maxamuud Axmed Cali oo afhayeen u ahaa kooxda mudanayaasha ah ee waafaqsanaa in dooddaasi la gudbiyo ayaa sheegay in uu u riyaaqay sida dooddaasi u dhacday oo waafaqsan tastuurka.

Mudanayaasha Golaha ayaa iyaguna sheegay in arintasi ay tusaala u tahay bisaylka siyaasadda Somaliland.

Fadhigu waxaa uu ahaa mid xasiloon, mudanayaasha, mucaarad iyo muxaafidba ayaa marki dambe si farxad leh isu gacan qaadayay.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.