| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 12.08.2001 - 17:49 Wakhtiga London
Xasan Bariise - Muqdisho Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in baarlamaanka dowladda KMG ah uu u fadhiyo dood aad u kulul oo ku saabsan bal in ciidamo shisheeye ah ay dowladda Soomaaliyeed uga yeerato dibadda si loo xasiliyo dalka xagga nabadgelyada. Kalfadhiga labaad ee golaha baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta maalintii labaad u fadhiyey dooddaasi kulul ayaa waxay si weyn uga doodeen mudaneyaal badan fikirkooda kala duwan ee ku aaddan keenista ciidamo shisheeye ee gudaha dalka Soomaaliya. Dooddani waxay ka dambaysay motion ay 37 xubnood oo ka mid ah golaha baarlaamka ee dowladda KMG ah soo hordhigeen baarlamaanka maalintii shalay. Waxaanay mudaneyaashu fikirkooda ku soo jeediyeen in lagu dhawaaqo codsi loo jeedinayo adduunweynaha gaar ahaanna waddamada la saaxiibka ah Soomaaliya in ay ciidamo keenaan gudaha dalka Soomaaliya, si bey yiraahdeen loo xaqiijiyo nabadgelyo ka islaaxda dalka. Mudaneyaasha motionkan soo abaabulay waxay sheegeen in haatan la marayo muddo sannad ah isla markaana aanay wax muuqda ka qabsoomin xagga nabadgelyada. Taasina ay weliba dheertahay dagaallo sokeeye oo mar kale ka billowday meelo ka mid ah dalka sidaasi darteedna loo baahan yahay in ciidamo shisheeye laga keeno waddamada saaxiibka la ah Soomaaliya si loo abuuro bey yiraahdeen jawi ay dowlad ku shaqeyn karto. Mudane Axmed Cabdi Dhuxulow oo ka mid mudaneyaasha u janjeera xagga keenista ciidamada shisheeye ayaa sheegay in haddana loo baahan yahay in haddii ciidamo la keenayo dalka ay ahaadaan kuwo si toos ah uga amar qaata dowladda KMG ah ee aanay noqon sida kuwii UNOSOM oo iyagu u madax bannaanaa taladooda. Cabdi Axmed wuxuu intaasi ku daray in dowladda ciidamadeeda ay haatan kor u dhaafayaan dhowr iyo toban kun oo aanay haddana nabadgelyada hanan karin, hub ka dhigis shacab ah oo buuxda iskaba daaye. Qaar badan oo ka mid ah mudaneyaashu waxay ku doodeen in taxaddar laga muujiyo arrinta keenista ciidamo shisheeye ee dalka. Mudaneyaashaasi oo uu ka mid ahaa Md Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku dooddisa ku sheegay in ay habboon tahay in guddi loo saaro amuurtaasi ka soo baaraandega bal in ay sideedaba habboon tahay in ciidamo shisheeya dalka la keeno. Waxaa isagana fikirkaasi mid ku dhow ka dhawaajiyey Mudane Shire Suudi oo xusay in loo baahan yahay in si qoto dheer loo daraaseyo amuurtaasi inta aan lagu dhawaaqin, iyadoo Xasan Dhimbilna uu ka sheegay in ay ciidamada shisheeye noqon karaan mindi labo af leh isagoo ula jeeday in ay xitaa dowladda kala wareegi karaan talada iyo maamulka. Xildhibaan Naxamuud Faarax Good oo ay hadalladiisu kul-kululaayeen ayaa sheegay in dagaallada ka billowday meelo ka mid ah dalka sida kuwii Jubbooyinka ay saameyn weyn ku yeesheen baarlamaanka gudihiisa oo ay ku kala qeybsameen kala tageerista ciidamadii ku diriray gobolladaasi, sidaasi darteedna loo baahan yahay ciidamo hub ka dhigis ballaaran ka fuliya dalka. Dooddan oo aan weli soo xirmin ayaa lagu guulaysan waayey maanta in cod loo qaado mition-kaasi, iyadoo shirkuna uu ku soo xirmay si aan rasmi ahayn inkastoo misana dib la isugu soo noqon doono dooddaasi maalinta berrito ah. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |