| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 06.08.2001 - 11:34 Wakhtiga London
Ciidammada isbahaysiga SRRC, ayaa maanta dagaal ku qaaday magaalada Kismaayo. Dagaalku waxaa uu ka billowday gegida dayuuradaha. Warkii ugu dambeeyey waxaa uu hadda sheegayaa in General Moragn ciidan uu hoggaaminayo ay qabsadeen Kismaayo. Ciidankaas waxaa la sheegay in uu ka kooban yahay isbahaysiga SRRC. Warkan waxaa laga xaqiijiyey ilo lagu kalsoon yahay. Isbahasyiga dooxada Jubba ayaa shalay sheegtay in ay ka guuleysteen ciidan ay ku sheegeen in uu Hoggaaminayay Jeneraal Morgan. Hase yeeshee, maanta waxaa caddaatay in magaalada Kismaayo gudaheeda la sila galay. Welibana af hayeenka Isbahaysiga SRRC, Maxamed Adan Qalinle, waxaa uu sheegtay in isabahaysigiisu uu gacanta ku dhigay magaalada Ksimaayo. Wareysiga Qalinle iyo wixii faahfaahin ah ee naga soo gaara Kismaayo, Baydhaba iyo Muqdisho waxaad uga bogan kartaan barnaamijka Dunida iyo Maanta. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |