| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 30.07.2001 - 19:18 Wakhtiga London
29 xubnood oo isugu jira mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka iyo Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka soo saaray baaq ay u jeediyeen dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Jubbada Dhexe iyo weliba dowladda. Waxay ugu baaqeen dowladdu in ay dhex dhexaad ka ahaato dagaalkaas. Waxay dowladda ugu baaqeen in hanti ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed aanay ku taageerin dhinacyada dagaallamaya midkood. Haddii ay taasi dhacdo, ayeey yiraahdeen, waxay dhaawacaysaa axdigii lagu dhisay dowladda. Mas'uuliyiintaasi waxay ku taliyeen in Duqey iyo xubno dowladda ka tirsan oo dhex dhexaad ah loo diro dhinacyada ku dagaallamaya Jubba si ay u dhex dhexaadiyaan. Arrintani waxay ka dambaysay markii ay dowladdu muddo laba maalmood ah shir u fadhiday oo la sheegay in ay go'aan ka qaadan weyday arrinta dagaalka. Waxayna u muuqataa in ay jirto kalsooni darro ku kala dhex jirta xubnaha dowladda dowladda, maaddaama ay xubno iyada ka tirsan digniin u jeedinayaan. Xubnahaasi waxau isku tilmaameen in ay yihiin xubnaha beelaha Puntland, ee ku jira dowladda iyo baarlamaanka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |