| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 31.07.2001 - 16:57 Wakhtiga London
Axmed Saciid Cige - Hargeysa Dadweyne aad u tira badan ayaa u soo daawasha tagay diyaarad kuwa dagaalka ah oo la saarayey taalo laga dhisay fagaaraha la yiraahdo Khayriyada ee magaalada Hargeysa maanta. Dayaaradan oo nooceedu yahay Miig 17, waxaa laga soo qaaday Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeisa. Waxaa masuuliyinnta dawladda hoose ay sheegeen, in dayaaradaasu ay ka mid ahayd raxan diyaarado ahaa oo ka qaybqaatay, sida ay sheegeen, duqayntii magaaladda Hargeisa dagaaladii 1988kii ee ay iskaga soo horjeedeen ciidamadii SNM iyo kuwii dawladii Maxamed Siyaad Barre. Hawsha taaladan dayuurada la dulsaaray, waxa ay ahayd arrin maamulka dawladda hoose ee Hargeisa muddoba ay ku hawlanaayeen dhamaystirkeeda. Maamulka dawladda hoose ee magaaladda Hargeisa, waxa weriyaha BBCda ay u sheegeen in ujeedada taalada laga leeyahay ay tahay si taariikh ahaan maanka loogu hayo xasuuqii loo geystay dad rayid ahaa oo ciidankii ay u samaysteen inay cadowga ka difaacaan uu laftiisi isaga oo dayaarado adeegsanaya uu duqaynayey isla magaaladii ay dayaaradahaasu ka kacayeen. Qaar ka mid ahaa dadkii daawanayeytaaladaasi iyo dayaaradda la dulsaaray, oo weriyaha BBCdu uu kula kulmay goobta Khayriyada la yirahdo oo ku taala bartamaha Hargeisa, ayaa u sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ka badbaaday duqayntaasi muddo haatan laga joogo 13sano, iyada oo qaar kalena u sheegeen inay ku dhaawacmeen faliiradii gantaalihii ay tuurayeen diyaaradahaasi xiligaasi. Dadkaasi , waxa kale oo ay u sheegeen weriyaha, in dayuuradahaasi qaar ka mid ah ay wadeen , calooshooda -u-shaqaystayaal laga soo kiraystay koonfur afrika. Taladaasi, waxa kale oo ka mid ahaa isla markaasna sawiro ka qaadanayey suxufiyiin ka socday warbaahinta caalamka oo fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |