BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 26.07.2001 - 15:26 Wakhtiga London
Cabdullaahi Yusuf: Madaxweynaha sharciga ahi waa aniga
Cabdullaahi Yusuf
Cabdullaahi Yusuf

 Halkan ka dhagayso waraysiga C/laahi Yuusuf

Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa ku gacan sayray hoggaamiyayaasha dhaqanka ee Puntland ee shalay soo saaray go'aan ay si ku simid ah Madaxtinnimada ugu magacaabeen Yusuf Xaaji Nuur.

Salaaddiinta Puntland waxay sheegeen in ay go'aankaas u cuskadeen dastuurka Puntland.

Cabdullaahi wuxuu ku tilmaamay in uu waxba kama jiraan yahay go'aanka ay soo saareen duqeydu.

Arrintu ma ahan arrin qabiil. Ma ahan mid dhaqan. Mana aha arrin shareeca Islaam. Arrintu waxa weeye dastuur iyo sharci uu bani'aadam degsado oo uu ku dhaqmo. Taasaa lagu kala baxahayaaye si kale lagu kala bixi mayo. Maslaxa ma jirto,wax kalena ma jiraan
Cabdullaahi Yusuf
Cabdullaahi Yusuf oo wareysi ay BBC-du maanta la yeelatay, ayaa sheegay in aan Hoggaamiyayaasha dhaqanku aanay awood dastuuri ah iyo mid siyaasadeed toona u lahayn in ay magacaabaan cidda Puntland hoggaamineysa.

Waxaa uu ku tilmaamay dadka go'aankan gaaray qaarkood in ay u shaqeynayaan Carta iyo Asal raac asagoo ula jeeda dowladda KMG-ka ah iyo kooxaha diinta.

Cabdullaahi Yusuf waxaa uu ku tilmaamay in hoggaamiyayaasha dhaqanku ay kaalin ku leeyihiin dhexdhexaadinta khilaafaadka beelaha, taasna ay ku xushmeysan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maanta magaalada Garowe bannaanbax isugu soo baxay taageerayaasha Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka la xiriira arrintan
25 July 2001
Khilaafka siyaasadeed ee Puntland oo sii cuslaaday
24 July 2001
Go'aanka Isimada Garowe
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.