|
|
 |
 Talaado, 24.07.2001 - 17:08 Wakhtiga London
 |
Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta oo iscasilay
|
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa maanta ka cudur daartay Guddoomiyenimadii Guddiga Qaran dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Cabdirsaaq waxaa uu BBC-da u sheegay in sababta uu isaga casilay jagadaas ay tahay in waa marka horee lagu gefey waxyaaba uu sheegay in ay isla meel dhigeen isaga iyo Raiisal Wasaaraha dolwdda KMG-ka ah ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh.
 Raiisal Wasaare Galaydh | Jagadan waxaa Cabdirisaaq u magacaawday dowladda Soomaaliya. Waxaa uu uu sheegay in ay isaga iyo Ra'iisal wasaaruhu isku ogaayeen in ay dowladdu magacawdo Guddoomiyaha oo kaleiya, ka dibna uu guddoomiyuhu magacaabo xubnaha kale ee guddiga.
Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ka muujisay siyaasadda dibadda, waxaadse moodda in ay ka gaabisay isu soo dumidda dadka Soomaaliyeed. | | Cabdirisaaq Xaaji Xuseen | Taa waa lagu xad gudbay ayuu yiri Cabdirisaaq.
Midda kale ee iyadana lagu xad gudbay waxay tahay ayuu yiri - ku dhawaaqista Guddiga oo ay ahad in isagu ku dhawaaqu ayeey dowladdu ku dhawaaqday.
Cabdisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in uu waraaqdan u diray Cali Khaliif dhowr saacadood ka dibna (Talaada) uu jawaab ka helay uu Galaydh cudur daar ku bixinayay ah in uu dalka ka maqnaa.
Cabdirisaaq wuxuu sheegay in aanuu ku qancin waraaqdaas.
Ugu dambayntii Cabdisaaq Xaaji Xuseen oo lixdamaadkii raiisal wasaare ka noqday Soomaaliya, waxaa uu sheegay in uu aamminsn yahay in Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya ay tahay mid ku soo baxday hannaankii dib u heshiineed ee ugu habboonaa tan iyo markii ay dagaallada Soomaaliya billowdeen.
Waxaa habboon ayuu yiri in wakhti la siiyo. Inkasta oo ay jiraan dad badan oo ka soo hor jeeda.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|