| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 24.07.2001 - 15:13 Wakhtiga London
Giir - Garowe Magaalada Garowe, ayaa waxaa la dhowrayaa go'aanka ay Hoggaamiyayaasha dhaqanku ka gaari doonaan arrimaha siyaasadda oo maalmahan danbe uu muran ka taagnaa. Tan iyo markii dowlad goboleedka Puntland uu wakhtigeedii dhacay, waxay su'aali ka taagnayd Hoggaanka dowlad goboleedka. Dowladda oo wakhtigeedii uu baarlamaanku u kordhiyey hawlaheedii ayey guda gashay, iyada oo ka billowday in Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed loo dhaariyo saddex sano oo hor leh. Murashaxiintii iyo qaar ka mid ah dowladdii horena waxay qabaan in ay arrintu tahay mid khaldan oo loo baahan yahay in la qabto shir beeleed.
Guddoomiyihii Maxakadda Sare, Yusuf Xaaji, ayaa ku dhawaaqay in isagu uu yahay Madaxweyne ku sime ah. Waxaa iyaguna aan saaxadda siyaasadda ka maqnayn murashaxiintii doonayay in ay la tartamaan Cabdullaahi Yusuf. Weriyaha BBC-da ee Garowe, Maxamed Khaliif Giir, waxaa uu sheegay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanku ay isaga u sheegeen in ay Arbacada soo saari doonaan go'aankooda kama dambaysta ah. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |