| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 23.07.2001 - 15:38 Wakhtiga London
Laba beelood oo Kontoroolka Afgooye ee magaalada Muqdisho ku dagaallamay dhowaan, ayaa maanta heshiis ku gaaray Muqdisho. Sida uu BBC-da u sheegay Sayid Cali Adan oo ka mid ah duqeyda wadahadalka u fadhiyey, waxay labada dhinac isla garteen heshiis ay sheegeen in uu suurta gelin doono in aanay mar dambe isku dhicin. Mar la weydiiyey bal in dagaalku siyaasad ahaa iyo in uu beel ahaa, Sayid Cali waxaa uu yiri, labada midna laguma tilmaami karo. Waxaa uu ku tilmaamay in dagaalku ku billowday baabuur kolonya ah oo raashin sidday oo malliishiya kontoroolka fadhiday ay damacday in ay wax kala harto. Malliishiyadii raashinka ilaalineysayna waa ay is difaacday ayuu yiri. Waxaa uu ku tilmaamay in Hoggaamiyayaasha dhinacyada dagaalka isaga hor yimid, aanay la ogeyn malliishiyaadka. Isla markaana ay cambaareeyeen dagaalka. Waxaa uu ku tilmaamay in labada beelood ee dagaalku dhex maray ay yihiin kuwo aan hore wax colaad ahi u dhex oollin. In ciidammada la kala qaado laba abuuro jawi nabadeed iyo is dhex gal. Shirka waxaa la isugu soo laabanayaa si xal looga gaaro in aan mar dambe dagaal noocanihi beelahan ka dhex dhicin. Maaddaama ragga dagaallamay ay beelo ka soo jeedeen waxay qaateen magaca beelaha ay ka soo jeedaan. Hoggaamiyayaasha beelaha ayaa isu xil qaamay in ay dagaalka joojiyaan una dejiyaan xeer suurta geliya in aanay mar dambe isku dhicin. Waeriyaha BBC-da ee Muqdisho, waxaa uu soo sheegay in hadda ay furan tahay waddada Afgooye iyo Muqdisho, isu socodkuna uu caadi ku soo laabtay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |