BBC Somali

War > Warar

Faransiiska oo magaalo hor leh galay

Facebook Twitter Google+
30 Janaayo 2013 13:19
Mali

Ciidamada Faransiiska ee la dagaallamaya kooxaha Islaaiyiinta dalka Mali, ayaa sheegay inay galeen magaalada dhinaca waqooyi ku taal ee Kidal.

Magaaladaasi, ayaa ah meesha keliya ee u harsaneyd kooxaha Islaamiyiinta oo ay ku xooganaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Weriye BBC oo jooga dalka Mali ayaa sheegaya in ciidamadu ay qabteen garoonka dayaaradaha, laakiin weli aanay kala caddeyn in ay galeen magaalada.

Waxaa jira warar sheegaya in kooxda mucaaradka oo xiriir la leh al-Qaacidda ay ka baxeen halkaasi.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ciidamada Faransiisku hoggaaminayo ayaa waxa ay qabteen laba magaalo oo waaweyn oo ku yaal waqooyiga Mali oo kala ah Gao iyo Timbuktu, iyadoo aan wax iska caabin ah lagala kulmin.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter