BBC Somali

War > Warar

Sudan oo weerartay Sudanta Koofureed

Facebook Twitter Google+
23 Abriil 2012 14:41
Madaxweyne Bashir

Dayaaradaha dagaalka ee Sudan ayaa weeraray Sudanta Koofureed.

Weerarku wuxuu ku soo beegmay maalin uun ka dib markii Sudanta Koofureed ay dhammaystirtay ka bixitaanka ciidammadeeda ee gobolka lagu muran san yahay ee soohdinta labada dal.

Ugu yaraan qof ayaa ku dhintay qaar kalena wey ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay duleedka magaalada Bentiu.

Sarkaal u hadlay Sudanta Koofureed, Mac Paul, ayaa weerarka ku tilmaamay mid xaaladda uga sii daray.

Madaxweynaha Sudan, Omar al-Bashir, ayaa lagu tilmaamay in uu diiday in uu wax wadahadal ah la yeesho Koofruta.

Waxay ahayd mar uu booqday ceelasha shidaalka ee Heglig, oo woooqyi ka xiga soohdinta.

.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter