BBC Somali

War > Warar

Raiisul wasaaraha iyo Falanqeynta

Facebook Twitter Google+
13 Abriil 2012 14:53
Raiisul wasaare Cabdiweli

Dowladda Soomaaliya xilligeedii wuxuu ku egyahay August 2012.

Inta ka horresyaa waxaa la doonayaa in la ansixiyo dastuurka oo dadka qaar ay dooda ka qabaan.

Waxaa kale oo loogu fadhiyaa in la soo xulo xubnaha baarlamaanka cusub.

In la doorto Guddoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne.

Waxaas oo dhamina ay ku qabsoomaan afar bilood gudahood.

Ammaanka

Waxaa dalka ku sugan ciidammo ka socda ugu yaraan shan dal oo Afrikaan ah.

Waxay ku kala sugan yihiin goobo aad u kala fog.

Al Shabaab oo dhul badan laga qabsaday inta badan dagaal fool-ka-fool wey ka gabbataa.

Waxaad mooddaa in ay door bideyso weerarrada is qarxinta, kuwaas oo hadda ku soo batay Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya in al Shabaab ay ciidammo geysay buurlaeyda Golis, halkaas oo ay dooneyso in ay uga duusho Puntland ama Somaliland ama labadaba.

Maxay dowladdu ka ogthaya? Maxayse ka qabatay?

Arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayuu ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya uu dhegeystayaasha BBBCSomali uga jawaabay si toos ah.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter