BBC Somali

War > Warar

Chelsea V Tottenham

Facebook Twitter Google+
24 Maarso 2012 14:11
Chelsea

Kooxda Chelsea waxay martigalinaysaa Tottenham. Cayaartan ayaa bilaabaysa 3:45 saacadda africada bari.

Waa laba koox oo isku haya kaalinta Afaraaad. Waxaa kaloo Tottenham ay cagta cagta ugu haysaa kooxda Arsenal oo sadex ku jirta.

Tottenham dhinaca dhibcaha hal dhibic ayay ka hoosaysaa Arsenal oo 55 leh, iyadoo 5 dhibcoodna ka horaysa Chelsea.

Chelsea, waxay tan iyo markii laga eryay tababaraheedii Andrea Villas Boas u badinaysa si isdaba joog ah, marka laga reebo cayaartii ugu dambaysay ee Man City ay la yeelatay oo looga adkaaday 2-1.

Tottenham labadii cayaar ee ugu dambaysay barbarro ayay gashay.

Labada koox waxay xoogga saarayaan sidii mid walba ay sadexda dhibcood ula hoyan lahayd.

Barbarro waxay keenaysaa in labadaba ay isla iloobaan booska sadexaad waa hadii kooxda Arsenal oo gurigeeda kula cayaaraysa Aston Villa ay ka badiso.

Waxaa kaloo cayaaraya kooxaha Arsenal waxay is arkayaan Aston Villa, Bolton iyo Blackburn, Liverpool waxay la cayaarysaa Wigan, Norwich iyo Wolves ayaa kulmaya, Sunderland waxaa u imanaysaa kooxda QPR, Swansea iyo Everton ayaa foodda isdaraya.

Stoke iyo Man City-nga cayaarta fiidkii ayay yeelanayaan.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter