BBC Somali

War > Ganacsi

Oxfam: Dadka lacagta leh way dhamayn karaan saboolnimada

Facebook Twitter Google+
19 Janaayo 2013 23:16

Haya'dda gargaarka ee Oxfam, ayaa sheegtay in boqolka qof ee ugu lacagta badan adduunka ay heleen lacag ku filan sanadkii hore oo ay ku dhamayn kareen saboolnimada dadka saboolka ah ee adduunka.

Oxfam ayaa sheegtay sanadkii in lacagta ay heleen boqolka qof ee adduunka ugu taajirsan inay ahayd 240 bilyan oo dollar.

Oxfam waxay sheegtay, in dadka saboolka ah ay ku nool yihiin in ka yar hal dollar maalintii.

Oxfam ayaa hadashay toddobaad ka hor intaan la qaban shirka dhaqaalaha adduunka ee ka dhacaya magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter