BBC Somali

War > Cayaaraha

Kulamada maanta ee Premier League

Facebook Twitter Google+
31 Maarso 2012 16:29
Manchester City

Mancehster City waxay la cayaaraysaa Sunderland.

Man City oo in muddo ah hogaanka haysa ayaa hadda 3 dhibcood waxaa ka horaysa Manchester United.

Sunderland 30 dhibcood, ayay ka hoosaysaa Man City oo waxay leedahay 40 dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta sideedaad ee liiska kala horaynta ee labaatanka koox.

Manchester City, sadexdii cayaar ee ugu dambaysay Manchester City oo kaliya 4 dhibcood ayay heshay, iyadoo halkaas ay uga lumeen ilaa shan dhibcood.

Stoke barbarro 1-1 ayay la gashay, Chelsea 2-1 ayay uga badisay, iyadoo Swansea ay Manchester City uga badisay 1-0.

Dhinaca kale kooxda Sunderland, afartii cayaar ee ugu dambaysay waxay ka keensatay 7 dhibcood, iyadoo laga sugayay 12 dhibcood.

Waxay badisay QPR iyo Liverpool, waxayna barbarro la gashay Newcastle. Waxaase iyada ka badiyay kooxda Blackburn.

Kooxaha kale ee maanta Cayaaraya waxaa ka mid ah:

Aston VIlla V Chelsea

Everton V West Brom

Fulham V Norwch

QPR V Arsenal

Wigan V Stoke

Wolves V Bolton

Calaamadayso

Email Facebook Google+ Twitter