Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.4 Mb)

Lix dal oo ka shiraya arrimaha qaxootiga Soomaalida

20 Agoosto 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 08:35 SGA 05:35 GMT

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaalida.

Shirkan oo lix geesood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya dowladda Soomaaliya iyo 5-ta dal ee marti galiyay qaxootiga Soomaalida, dalalkaas oo kala ah Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Yeman.

Shirkan oo loogu magac daray xal u helidda arrimaha qaxootiga Soomaalida ayaa waxaa hindisay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Haddaba si aanu wax badan uga ogaano shirka maanta ayaa waxaanu khadka taleefanka ee magaalada Addis Ababa kula xiriirnay gudoomiyaha hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliya, Axmed-daahir Cabdikariim Nuur, oo u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.