Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (4 Mb)

Mareykanka ayaa laga soo dhaweyay sharciga cusub ee xawaaladaha

18 Agoosto 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 07:52 SGA 04:52 GMT

Shirkadaha xawaaladaha iyo shacabka Soomaalida ee Mareykanka ayaa soo dhaweeyay sharciga cusub ee lacagaha Mareykanka.

Sharcigaasi ayaa fududaynaya sharciyada lagu maamulo shirkadaha lacagaha ee aan bangiyada aheyn sida kuwa xawila lacagaha.

Sharcigaasi cusub ayaa waxaa ansixiyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Haddaba weriyaha BBC ee Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, ayaa doodan u qeybiyay Shaafi Xaashi oo ah gudoomiyaha urur u ol oleeya arrimaha bulshada Soomaalida Mareykanka, kaalinna ka qaatay in la meelmariyo sharciga xawaaladaha u fududaynaya hawshooda, iyo Cabdicasiis Mukhtaar Cabdullaahi oo ka tirsan xawilaadaha Soomaalida, marka hore waxaa hadalka ku hormaraya Shaafi oo uu Shiine waydiiyay sida ay u arkaan sharicigan uu saxiixay madaxwayne Obama.