Sawirro: Rabshadaha Maraykanka

18 Agoosto 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 15:02 SGA 12:02 GMT

Rabshadaha Maraykanka ee xigay wiilka madow ee la toogtay
Gobolka Missouri ayaa u diraya milatari magaalada Ferguson kadib markay kordheen mudaaharaadyo. Boliiska ayaa isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena. Arrintan ayaa ka danbaysay markii Darren Wilson oo boliis ah uu toogtay wiil madow ah kadib markii uu istaajiyay.
Gudoomiyaha Jay Nixon ayaa saxiixay amar lagu soo celinayo nabada iyo ilaalinta dadka degan Ferguson. Go'aanka ayaa la gaaray markii boliiska ay iska hor imaadeen dadka.
Boliiska Ferguson ayaa sheegay in la soo weerarary oo ay isdifaaceen. Boliiska rabshadaha ayaa riday xabadaha caaga iyo gaaska ilmada dadka ka keena.
Dadka mudaaharaadaya ayaan adeecin waqti la soo rogay inaan la socon karin.
Dilka Michael Brown ee uu dilay nin cad oo boliis ah 9 August ayaa sii kordhiyay xiisada magaalada oo dad madow ay dagan yihiin.
Darren Wilson oo boliis ah ayaa toogtay wiilka kadib markii uu istaajiyay.
Gudoomiyaha Missouri ayaa dhaleeceeyay video la shaaciyay wiilka oo tukaan xadaya saacado ka hor.
Sidoo kale wuxuu cambaareeyay mudaaharaadka: "Rabshadsaha ayaan waxba u qabanayn reerka wiilka iyo dadka deegaanka oo doonaya cadaaladiyo inay amaan dareemaan guryahooda".
Xiisad ayaa ka taagan dadka mudaaharaadaya iyo boliiska. Boliiska ayaa ku eedeeyay dadka mudaaharaadaya inay ku dhow yihiin faeiisimaha boliiska.
Dadka qaar ayaa rabshadaha ka galay maqaayadaha cuntada.
Boliiska ayaa isticmaalay gaaska indhaha dadka ka keena.
Gacmaha kor u taag ha toogan ayaa noqotay halhayska mudaaharaadka. Michael Brown ayaa iskuul dhameeyay goor dhow.