Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.2 Mb)

Puntland oo xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya

1 Agoosto 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 08:12 SGA 05:12 GMT

Arbacadii waxaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis maamul cusub loogu sameynayo gobolada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Heshiiskaasi ayaa la kulmay caqabado kala gadisan tan iyo markii la saxiixay.

Horay ayaa heshiiskaasi waxaa u diiday maamulada Ahlu Suna iyo Ximan iyo Xeeb.

Haatana maamulka Puntland ayaa heshiiskaasi ku gacansayray, oo waxa ay ku dhawaaqeen in ay xiriirkiiba u jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo Shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dowladda ay ku xadgudubtay dastuurka.

Haddaba si aanu wax badan uga ogaano waxa ay diidan yihiin mas'uuliyiinta Puntland, ayaa waxaanu la xiriirnay wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta ee maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdille, oo u warramay weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan.