Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.3 Mb)

Nimco Jirde oo ka tirsan Oxfam ayaa ka hadleysa xaaladda

20 Luulyo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 18:36 SGA 15:36 GMT

Nimco Maxamuud Jirde waxay ka tirsan tahay hey'adda samafalka Oxfam

Saddex Sano kadib markii macluushu ay ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2011, ayaa hey'adaha gargaarku waxa ay ka digayaan in dalku khatar ugu jiro in mar kale uu dib ugu laabto wax ay ku tilmaameen masiibo.

Labaatan iyo afar hey'adood ayaa sheegay in roobkii oo soo daahay xilligii la filayay, dagaallada ka socda Soomaaliya, iyo dhibaatada dhinaca lacagihii samafalka ay galineyso xaalad naf-badbaadin ah dad ku dhaw saddex milyan oo qof.

In ka badan rubuc milyan qof ayaa ku geeriyooday macluushii ka dhacday Soomaaliya.

Haddaba hey'adaha digniinta soo saaray waxaa ka mid ah Oxfam, waxaannu haddaba ka wareysannay hadalka ay soo saareen hey'adahaasi, Nicmo Maxamuud Jirde, oo la taliye u ah Oxfam, waxaa telefonka ku wareystay iyada oo joogta Nairobi, Farxaan Maxamed Jimcaale.