Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (2.4 Mb)

Dad la dilay 1989-kii oo lagu xusayo Hargeysa

17 Luulyo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 17:37 SGA 14:37 GMT

Muddo 25 sano ayaa ka soo wareegtay markii ku dhowaad 50 qof si wadajir ah ay ciidamada dowladda xeebta Jazira ee Muqdisho ugu dileen sanadkii 1989.

Waxaa dadkaas oo lagu tilmaamay rayid ay ka soo jeedeen gobolada waqooyi ee Soomaaliya xilligaas, balse goosasho ku dhawaaqay sanadkii 1990kii, lana baxay Somaliland.

Magaalada Hargeysa ayaa laga xusay munaasabadan.

Maamulka Somaliland ayaa hadda soo bandhiga faahfaahin la xiriirta xuska dhacdadaasi.

Madaxa Xafiiska Somaliland u qaabilsan kaydinta xogta guud ee baarista xasuuqa, Cabdirashiid Muxumed Daahir, oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in dacwadda kiiskaasi ay ka caawinayaan qareenno caalami ahi.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu u warramay.