Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (4 Mb)

Warbixin: Soomaalida kaxaysa tagsiga London black cab

7 Juunyo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 20:12 SGA 17:12 GMT

Tagsiga madow ee caanka ku ah London

Tirada Soomaalida ku shaqeysta tagaasida caanka ay ku tahay London ee loo yaqaan Black Cab ayaa kor u sii kacaysa, waxaana hadda ay kor u dhaaftay boqol.

Tagaasida Madow ee London ayaa waxa aad ugu yaraa dadka bulshooyinka laga tirada badan yahay, balse waxaa fursad siiyay in dadkaasi iyo dumarkaba ay ku biiraan mashruuc lagu dhiirigelinayay oo ay sameysay Hey'adda London u qaabilsan horumarinta.

Si aad u waddo tagsiga madow ee London, waa inaad barato dhammaan jidadka magaalada London, taasi oo ku qaadata darawaliinta ugu yaraan saddex sano.

Haddaba Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa la kulmay koox Soomaali tagaasiley ah oo ku shaqeysta Black Cab oo uu kala sheekeeystay shaqadooda, xilli ay isugu yimaadeen makhaayad ay ka shaah cabaan.