Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (6 Mb)

Mamnuucista qaadka ee UK

14 Maajo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 19:07 SGA 16:07 GMT

Abuukar Cawaale Qaad-diid waxa uu muddo u ololeynayay joojinta qaadka

Koox xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa geeyay baarlamaanka mooshin ay ku dalbanayaan in beeraleyda British-ka ah laga eryo gobolka Meru ee bariga Kenya ee qaadka laga soo saaro.

Arrintan waxay ka dambeysay kadib markii toddobaadkan Aqalka sare ee baarlamaanka Britain uu ansixiyay go'aanka dowladda UK ay ku mamnuucday qaadka dalkan gudihiisa.

Qaadka dalkan UK waxaa laga keenaa dalka Kenya oo laga beero, laakiin waxaa isticmaala bulshooyin kala duwan sida Soomaalida, Yementa, Eritrean iyo Ethiopian.

Waxaa lagu wadaa in mamnuucista qaadka la dhaqangeliyo bisha toddobaad ee July horraanteeda.

Dadka u ololeeya qaadka waxay sheegaan inuusan wax dhibaato lahayn oo qayb uu ka yahay isdhexgalka.

Laakiin waxaa arrintaasi diidan Abuukar Cawaale Qaad-Diid oo u ololeeya sidii khaadka loo joojin lahaa. Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu u warramay.