Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (5 Mb)

Waa maxay ujeedada odoyaasha booqanaya Somaliland?

11 Maajo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 15:21 SGA 12:21 GMT

Maxamed Xasan Xaad waa guddoomiyaha odoyaasha dhaqanka ee booqanaya Somaliland

Somaliland waxaa booqanayay maalmahan odoyaal dhaqameed ka badan afartan oo ka socda dhinaca koonfurta Soomaaliya.

Odoyaashaasi waxay sheegeen in aanay wax siyaasad ah u socon, laakiin waxa booqashadoodu ay ka abuurtay guux siyaasadeed Somaliland gudaheeda, iyada oo warar kala duwan laga bixiyay booqashadooda.

Haddaba si aan wax uga ogaanno ayaa waxa aannu wareysanay guddoomiyaha odoyaashaasi Soomaaliyeed ee dhaqanka Maxamed Xasan Xaad isaga oo hadda jooga magaalada Boorame.

Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefonka ku wareystay ayaa weydiiyay ujeedada socdaalkooda.