Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (2.9 Mb)

Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

2 Maajo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 07:58 SGA 04:58 GMT

Waxaa xalay fiidkii meel u dhaw magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika lagu dilay laba nin oo Soomaali ah.

Dilka labada nin ayaa yimid kaddib markii ay dableey hubeysan weerar ku soo qaadeen dukaan ay lahaayeen.

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay labada nin, waxa ayna wadaan baaritaan ku aadan shilka.

Haddaba waxaanu khadka taleefanka Johannesburg kula xiriirnay Cabdullaahi Muxumed Fakad, oo ah milkiilaha dukaanka sidoo kalana qaraabo la ah labada nin ee la dilay, waxa uu sida ay wax u dhaceen uga warramay Maxamed C/raxmaan Sheekh.