Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.3 Mb)

Soomaaliya: Wax ayaan ka qabanaynaa xuquuqda shaqaalaha

1 Maajo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 08:52 SGA 05:52 GMT

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto xaaladda shaqaalaha ee dalka. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalka kasoo kabsanayo dagaalo sokeeye.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay meelaha uu aadka u hooseeyo xuquuqda ay helaan shaqaalaha.

Si arrintaa loo horumariyana dowladda Soomaaliya ayaa bishii Maarso ee sanadkan, waxa ay heshiis la gashay Ururka Shaqaalaha Adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ILO).

Magaalada Muqdishana waxaa maanta lagu qaban doonaa munaasabad ku aadin xuska 1-da Mey.

Haddaba, waxaanu arrintaa ka wareysanay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Luqmaan Ismaaciil Maxamed, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo waydiiyay xaaladda shaqaalaha ee Soomaaliya.