Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (11.5 Mb)

Nin Soomaali ah, hooyadiina tahay Tutsi

22 Abriil 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 08:42 SGA 05:42 GMT

Dhagayste, weli ma maqashay 69 jir Soomaali ah oo hooyadiis ay qolo kale tahay, inta badanna noloshiisa ku qaatay dal aysan Soomaali joogin, haddana weli yaqaana Af-Soomaaliga iyo abtirkiisa.

Waa Xasan Xarbi Xuseen oo ah nin Soomaali ah basle hooyadii Tuutsi u dhalatay dalka Rwanda.

Xasan Afka Soomaaliga wuu jajebiyaa oo si fiican uguma hadli karo balse waa nin aad u og in uu Soomaali yahay oo xitaa ehelkiisa garanaya.

Weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele oo dhawaan safar shaqo ku tagay dalka Rwanda ayaa kula kulmay magaalada Kigali.