Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.2 Mb)

Mr Kay oo kahadlay xaaladda Soomaaliya

19 Abriil 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 11:03 SGA 08:03 GMT

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in tubta lagu gaarayo doorashooyin dimuquraadi ah in Soomaaliya ay ka qabsoomaan sanadka 2016-ka ay wali taagan tahay inkastoo ay jiraan caqabada hor taagan dowladda fedaraalka.

Ergaygani ayaa intaasi ku daray in ay jirto baahi loo qabo in Soomaalida ay la xisaabtamaan dowladda iyo beesha caalamka si buu yiri ay u fuliyaan ballan qaadyadii ay sameeyeen. Nicholas Kay oo daarta Broadcasting House ee BBC-da nagu soo booqday ayaa waxa waraystay weriyaha BBC-da Maxamed Maxamuud Cadde, waxaana warbixin nooga diyaariyay waraysigaasi Maxamuud Cali Maxamad.