Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.9 Mb)

Somaliya: Wasiir dhaliilay howlgalka Islii

10 Abriil 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 09:21 SGA 06:21 GMT

Somali la raafayo

In kabadan 80 qof oo Somali ah ayaa lagu celinayaa dalka Somaliya maant. dadkaas oo ka mid ah kuwii laga qabqabtay xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Booliska Kenya ayaa sheegay kol hore inay xireen ugu yaraan 3000 oo qof intii uu socday hawlgal xagga ammaanka ah oo bilawday maalintii Jimcihii.

Madaxa booliska Kenya, David Kimaiyo, waxaa uu sheegay in qiyaastii 450 qof oo la tuhunsan yahay ay ku sameynayaan baaritaan dheeraad ah, kuwaas oo intooda badan lagu hayo garoon ciyaaraha oo ku yaal Nairobi.

Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda Soomaaliya, Maxamed Ismaaciil Shuuriye, ayaa ka hadlay dhibaatadda Soomaalida ku haysata magaalada Nairobi.