Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan gudniinka fircooniga

6 Febraayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 21:26 SGA 18:26 GMT

Maanta waxaa dunida laga xusay maalinta caalamiga ee dabar-goynta caadada gudniinka fircooniga oo looga dhaqmo dalal badan oo ku yaal dunida. Halkan ka daawo warbixin laga diyaariyay qoys Soomaaliyeed oo saddex fac ah oo deggan magaalada London.

Iyadoo maanta dunida laga hadlay waxyeellada ay haweenku kala kulmaan gudniinka fircooniga ayaa Soomaaliya oo ka mid dalalka uu sida wayn uu uga jiro gudniinkaasi waxa ay dumarku la daalaa dhacayaan dhibaatooyinka uu noloshooda u gaystay.

Soomaaliya waxaa lagu qabtay munaasabado dumarku kaga hadlayaan dhibaatada gudniinka fircooniga.

Dalalka Yurub ayaa sidoo kale la sheegaa in weli ay dadka isticmaala caadadan fircooniga ay ku dhaggan yihiin.

Hadda kaddib dhaqaatiirta UK waa inay diiwaan geliyaan gabdhaha lagu sameeyay gudniinka

Dadka ka hadlay maanta waxaa ka mid ah Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in aqoontu ay tahay xalka keliya ee loo baabi'in karo gudniinka isla markaana lagu badbaadin karo gabdhaha yar yar caadadan xun sida uu yiri.