Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (3.8 Mb)

Nin caynkee ayuu ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

2 Febraayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 22:06 SGA 19:06 GMT

Raii'salwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka, waxaa lagu qiyaasayaa da'diisa sagaashan.

Muddo toddobaad ah ayuu ku xanuunsanayay isbitaal.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey, waxaana uu sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.